wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland ayaa Tababar usoo gaba gabaysay Gudiyada Ceelasha Biyaha

 

Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland oo Kaashanaysa Hay’adda Islamic Relief ayaa tababar mudo sadex bari ah socanayay u soogaba gabeeyay Gudiyada ceelasha biyaha .

Tababarkaas ayaa loo qabtay Gudiyada biyaha deegaamada kala ah  Kaladhacda, Dan-Dan, Xerajaale, Cawsane, Carmo, Xadhadhan, Karin kirfood, jalam, Booda cade iyo Sheerbi oo ka kala tirsan Gobalada Mudug, Sool, Sanaag, Nugaal, Cayn iyo Karkaar.

Intuu tababarku socday waxay qaateen casharo ay kamid ahaayeen sidii loo dhaqalayn laha ceelk iyo qaabka loo ciladsaaro matoorada iyo soolarada ceelasha saran.

Dhamaandkii tababarka Kadib waxaa ceel walba la gudoonSiyay tuulal ay kaga shaqeyan Ceelka.

Sawiro