Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland ayaa tababar muddo sadex bari ah u furtay ceel hayayaasha Deegaanadda Kulule, Ceeldhidar, Dhuur iyo Kubbo ee Gobolka Karkaar

  • Post category:Tababaro
Waxaa manta lagu soo gabagabeeyay hoolka shirarka Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland ee Garoowe tababar soconayay muddo saddex bari ah kaasoo loo qabtay guddiyadda maamula biyaha ee Deegaanadda Kulule, Ceeldhidar, Dhuur iyo Kubbo ee Gobolka Karkaar.
Inta uu tababarka socday waxaa lagu baray kasoo qaybgalyaasha sida ugu wanaagsan ee lagu maaraynlahaa barbiyoodyadda deegaanaddaas si loo ilaasho bixinta deeg biyood tayo leh. Tababarkaan ayaa waxa iska-kaashanayey Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland iyo Hey’adda Islamic Relief qaybteeda Puntland.

Sawiro