Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Horumarinta Puntland Mr. Maxamed cabdulqaadir Maxamed ayaa xafiiska Wakaaladda ee Xarunta dhexe ku qaabilay masuuliyiin ka socday hey’adda NCA.

  • Post category:Tababaro

Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Horumarinta Puntland Mr. Maxamed cabdulqaadir Maxamed ayaa xafiiska Wakaaladda ee Xarunta dhexe ku qaabilay masuuliyiin ka socday hey’adda NCA. Maareeyaha ayaa uga mahadceliyey masuuliyiinta hey’adda NCA wada-shaqaynta dhow ee ay la leeyihiin WHBP isagoo sidoo kalena ka codsaday inay sii laba jibaaraan mashaariicda ay la wadaan Wakaalaadda. Shirka ka dib, masuuliyiinta labada dhinac ayaa si wada jir ah usoo xiray tababar muddo afar cisho ka socday Hoolka Shirarka ee Wakaaladda kasoo ay wada fulinayeen WHBP iyo hey’adda NCA qaybteeda Puntland, ayna ka qaybgeen 30 ceel-hayayaal ka kala yimid meelo kala duwan.

Sawiro