Maareeyaha guud ee wakaladda horumarinta biyaha puntland ayaa soo xiray Tababar soconayay mudo laba bari ah.
Garowe: 13 12 2022: Waxaa manta lagu so gaba gabeeyay hoolka shirarka Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland Tababar loo qabtay guddiyadda maamula biyaha ee Deegaamadda Yaka-Yaka, Xaaji khayer, Jeedaal, Unuun, Balidacar, wardheer, Xudun, iyo Ceel Xagar .
Ujeedka tababarka ayaa ahaa ka war haynta iyo xanaanaynta ceelasha sidii kor logu qaadi lahaa aqoonta ay gudiga ceelasha iyo ceel haya yaasha u leeyihin agabka ceelka ku xiran , qaabka uu u shaqeeyo iyo sida ay u hagaajin lahaayen marka ay cilad soo food saarto . macalimiinta tababarka siiyay guddiyada ceelasha iyo ceel hayaasha ayaa u sheegay in ay masuuliyad ka saarantahay ceelka .
Inta uu socday tababarka waxaa ka soo qayb-galay Maareeyaha Guud ee Wakaladda Horumarinta Biyaha Puntland iyo Agaasimaha wasaaradda Tamarta , Macdanta Iyo Biyaha Puntland qaarka mida shaqaalayaasha wakaladda iyo wasaradda .
Maareeyaha guud ee wakaladda horumarinta biyaha puntland Maxamed Cabdulqadir Maxamed ayaa la dardaarmay guddiyada iyo ceel haya yaasha sida uga wanaagsan ee loo maarayn lahaa ceelasha biyaha deegaamada si loo ilaasho bixinta adeeg biyood oo tayo leh .
= DHAMAAD =
XAFIISKA WARFAAFINTA WAKALADDA HORUMARINTA BIYAHA PUNTLAND .



















