Wakaalada Horumarinta Biyaha Puntland ayaa gaarsisay qalabkii lagu dayactiri lahaa biyaha Degmada Qandala

 

Wakaalada Horumarinta Biyaha Puntland oo kaashanaysa Hay’adda ICRC ayaa gaarsiyey qalabkii lagu dayactiri lahaa biyaha Degmada Qandala ee Gobolka Bari, oo ay biyaha ka gooyeen roobabkii ka dhashay

Maamulka Degmada Qandala ayaa uga mahadceliyay Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland iyo Hay’adda ICRC waxa ayna gudoomeen qalabkas

Iyadoo lagu gudda jiro gurmadka Khasaarihii ka dhashay Duufaantii GATI ayaa maamulka Gobolka waxa ay wadaan dadaalo loogu gurmanayo shacabka Gobolka Bari oo ay khasaaro xog leh soo gaarsiisay Duufaantu Iyo Roobabkii ka da’ay Gobolka.

Sawiro