Maareeyaha Guud ee Wakaalada Horumarinta Biyaha Puntland mudane Maxamed Cabdulqaadir iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Wakaaladda ayaa xafiiska dhexe Wakaaladda ku qaabilay wafdi ka socday hay’adda Bisha Cas ee Dalka qadar. Masuuliyiinta labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii ay u xoojin lahaayeen xiriirkooda wada-shaqayneed iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha horumarinta khayraadka Puntland.










