Garoowe: 4-JUNE-2024 Maareeyaha Guud ee wakaaladda Biyaha Puntland Maxamed Cabdulqaadir ayaa Xafiiskiisa ku Qaabilay Madaxa Soomaaliya ee Hay’adda NRC Maxamed Cabdi.

  • Post category:Shirar
Madaxda ka socota hay’adda NRC ayaa xarunta dhexe ee wakaladda waxay kulan is xog waraysi ah kuwada qaateen madaxda Wakaladda, kulanka oo uu shir-gudoomiyey Mareeyaha Guud ee Wakaladda ayaa lagu lafa-guray Guulaha laga gaaray khayraadka biyaha Puntland.
Ugu danbayn Maareeyaha Guud ee Wakalaadda ayaa madaxda hay’adda NRC uga mahadceliyey booqashadda ay kusoo gaareen, habka ay uga wada shaqeeyaan hormarinta Biyaha Puntland iyo sidii loo dhamaystiri lahaa shaqooyinka Hortabinta leh.
Shirkaan ayaa iyaguna waxaa ka qaybgalay Agaasimaha biyaha Maxamed Cabdiraxman, Agaasimaha qorshaynta Cabdifataax Maxamud Barre iyo Agaasimaha maamulka Cismaan Axmed Cali.
= DHAMAAD =
XAFIISKA WARFAAFINTA WAKALADDA HORUMARINTA BIYAHA PUNTLAND