1, March, 2021: Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Dawladda Puntland mudane Axmed Maxamed Yuusuf ( Taaran ) ayaa maanta daah furay Siyaasadda Maaraynta Khayraadka Biyaha Dawladda Puntland.

  • Post category:Shirar
Garoowe: 1, March, 2021: Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Dawladda Puntland mudane Axmed Maxamed Yuusuf ( Taaran ) ayaa maanta daah furay Siyaasadda Maaraynta Khayraadka Biyaha Dawladda Puntland.
Daahfurka Siyaadda Maaraynta Khayraadka Biyaha oo ay ka qaybgaleen dhammaan bahwadaagta biyaha, ayaa waxaa sidoo kale kelmado ka jeediyey masuuliyiin ay ka midyihiin Agaasimaha guud ee Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha DPL Siciid Faarax Maxamuud, Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland Maxamed Cabdulqaadir Maxamed, La-taliyaha sare ee arrimaha Siyaadda Wasaaradda Dr Cabdirisaaq Maxamed Cali ( Bogcad ), Maayarka degmada Qardho Cabdi Siciid Dheere, Madaxa Shirkada Biyaha Garoowe ( NUWACO ) Axmed Abshir Surato, Madaxa Haayadda SWLIM Cismaan Xaaji Maxamuud.
Siyaasadda Maaraynta Khayraadka Biyaha Puntland ayaa si guud u dul istaagaysa dhaqaalaynta Biyaha sare ( kuwa roobka ) iyo kuwa hoose ( kuwa dhulka hoostiisa ku jira), qaybsiga ama wadaagga Khayraadka Biyaha, maamulka khayraadka biyaha ee gobolada iyo degmooyinka dawladda Puntland.
La-taliyaha Arrimaha Siyaasadda ee Wasaaradda Dr. Cabdirisaaq Maxamed Cali Bogcad ah oo ah Khabiir in ka badan 30 sano ka shaqaynayey arrimaha dejinta, fulinta iyo dabagalka siyaaddaha kala duwan ee arrimaha deegaanka iyo biyaha ayaa sheegay ” in Puntland leedahay laba Doox ama tog oo waaweyn kuwaas oo kala ah Nugaal & Dharoor biyuhuna yihiin dhaqaale ay waajib tahay in la dhaqaalaysto, sidoo kale in xaddiga biyaha dhulka hoostiisa ku jiraa ay yihiin kaydka roobkii da’ay”
Dood dheer ka dib dhammaan kasoo qayb galayaasha shirka ayaa hoosta ka xariiqay; in loo baahan yahay wax ka qabashada biya yaraanta ku soo wajahan mustaqbalka dhow iyo kan fog iyo sidoo kale baahida ka dhalan karta maarayn la’aanta khayraadka biyaha deegaanada Puntland, sidaa awgeedna loo baahan yahay in xoogga la saaro lagana mira dhaliyo hirgelinta Siyaadda Maaraynta Khayraadka Biyaha Dowladda Puntland.

Sawiro