Guddiga hawlaha Guud, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland ayaa kormeer Shaqo ku tegay Wakaalada Horumarinta Biyaha Puntland halkaas oo uu kusoo dhaweeyey Maareeyaha Guud ee WHB iyo masuuliyiin kale oo Wakaaladda ka tirsan. Maareeyaha Guud ee WHB Puntland ayaa Guddiga uga warbixiyey shaqooyinka ay wakaaladdu wado iyo xaaladaha biyaha guud ahaan Puntland iyo sida abaarta daran ee jirtaa u saamaysay adeegyadii biyaha taasoo uu baahan dedaal dheeri ah iyo in degdeg wax looga qabto.











