Garoowe: 9-JUN-2024 Maareeyaha Guud ee wakaaladda Biyaha Puntland Maxamed Cabdulqaadir ayaa Xafiiskiisa ku Qaabilay wufuud ka socotay King Salmaan charity iyo Hay’adda NRC.
Madaxda ka socota King Salmaan charity iyo hay’adda NRC ayaa xarunta dhexe ee wakaladda waxay kulan is xogwaraysi ah kuwadda qaateen madaxda Wakaladda, kulanka oo uu shir-gudoomiyey Mareeyaha Guud ee Wakaladda ayaa lagu lafa-guray Guulaha laga gaaray khayraadka biyaha Puntland.
Shirkaan ayaa iyaguna waxaa ka qaybgalay Agaasimaha biyaha Maxamed Cabdiraxman iyo Agaasimaha qorshaynta Cabdifataax Maxamud Barre.
= DHAMAAD =
XAFIISKA WARFAAFINTA WAKALADDA HORUMARINTA BIYAHA PUNTLAND.
