Waxa qalabayn lagu sameeyay ceelka biyaha kowaad Degmada Dhahar ee Gobolka Haylaan .
Ceelkan oo ka mida meelaha ay wakaldda Horumarinta Biyaha Puntland shaqo wayn ka qabatay ayaa helay qalabayn si bulshada degaanka iyo reer miyiga uga fa’ideystaan waxaana laga badalay pump, tuuboyin , xariga dabka iyo panal .
Wakaladda horumarinta biyaha puntland waxa ay dadaaal ugu jirta sidii degaanada Puntland u heli lahaayen biyo ku filan xilliyada roobabku yar yihiin .
= DHAMAAD =
XAFIISKA WARFAAFINTA WAKALADDA HORUMARINTA BIYAHA PUNTLAND








