Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Tmarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland ayaa dhagaxdhigay ceel biyood cusub oo ay yeelanayso Tuulada Xamure ee Degmada Balidhidin Gobolka Bari.
Waxa ayna uga mahad celiyeen wasirka iyo wafdigiisuba Hay’adda maal galinaysa ceelka cusub ee Lion club Sweden oo ay ka socdeen Mursal Isse iyo Boqor Abdirashiid Boqor Cumar, sidookale waxaa munaasabada kasoo qaybgalay dadwaynaha Deegaan kuwasoo uga mahadceliyay Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland iyo wasaradaba siday ugu dadaaleen inay Tuulada Xamure hesho ceel biyood.






