Wakaladda Horumarinta Biyaha Puntland waxa ay soo gaba gabeysay , dhismaha iyo qalabaynta war biyoodka deeganka Reebanti ee Gobolka Nugaal .
War biyoodka oo shaqadiisu soo dhamaatay ayaa la filayaa in ay ka fa’iideysan doonan bulshada degaanka iyo reer guuraga waxana Meesha ka bixi doonto biyo yarida ka jirta degaanka xiliyada roobabku yar yihiin .
sidoo kale war biyoodka ayaa qalabayn lagu sameeyay waxa ayna qaban doonta biyo gaaraya 8,586 fuusto halka haanta kaaydka biyoodku ay qaado biyo garaya 170 fuusto waxaana la dhisay dararka xoolaha, halka dadku ka cabi doonan iyo qolka waardiyaha .
Dhismaha iyo qalabaynta warta degaanka Reemanti waxaa maalgaliyay Bankiga Aduunka waxaana fuliyay wakaladda horumarinta biyaha Puntland .
Wakaladdu waxa ay ku hawlantahay sidii biyo ku filan loogu heli lahaa degaanada dalka .wakaladdu waxa ay shaqo kala duwan ka wada gobolada iyada oo u kala hormarineysa sida ay ugu baahi badanyihiin , gacanta ku haysaa ceelal iyo biyo xireeno si looga fa’ideysto xiliyada ay roobabka ay da’ayaan .
= DHAMAAD =
XAFIISKA WARFAAFINTA WAKALADDA HORUMARINTA BIYAHA PUNTLAN















