Maareeye ku xigeenka wakaaladda horumarinta biyaha Puntland ayaa bulshada degaanka Malaasle ee Gobolka Mudug ku wareejiyay war biyood cusub .
Jariiban: 2023: Maareeye ku xigeenka wakaaladda horumarinta biyaha Puntland Bashiir Macallin DAAHIR oo ay weheliyaan agaasimaha guud ee Wasaaradda Degaanka, Daaqa iyo Isbadalka cimilada Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor, gudoomiyah degaanka Malaasle iyo maasuliyiin ka socday Wasaradda Qorsheynta punland .
Maareeyaha ayaa war biyoodka cusub ee degaanka Malaasle oo dhowaan ka hirgalisay wakaladda horumarinta biyaha puntland ku wareejiyay furaha warta gudoomiye degaanka malaasle, war biyoodkan ayaa leh dhammaan adeegyadii muhiimka ah barbiyood sida Haan, Soolar , Darar, Matoor iyo qolalka Waardiyaha iyo Matoorka.
Maareeyaha ayaa la dardaarmay in bulshada degaanka ay ka fa’ideystan warta masuliyadna ay iska saran illaalinta iyo ka shaqeyndeeda .
Wakaladda Horumarinta Biyaha Puntland waxaa ay shaqooyin kala duwan ka wada gobolada dalka waxayna dadaal ugu jirta sidii bulshada reer Puntland u heli lahayeen biyo nadif ah oo ku filin .
= DHAMAAD =
XAFIISKA WARFAAFINTA WAKALADDA HORUMARINTA BIYAHA PUNTLAND















