Si kor loogu qaado tayada adeegyada dowliga ah, isla-markaana nolosha dadka reer Puntland looga ilaaliyo baylahsanaanta Isbeddelka Cimilada, team ballaaran oo ka socda Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland iyo Hay’adaha ay shaqo-wadaagga yihiin ayaa sahan ugu baxay gobollada Puntland, si xog-ururin dhab ah loogu sameeyo saamaynta abaaro iyo biyo-yaraan ku habsaday degaannada xooggooda oo aanan helin roobkii Deyrta.









