QARDHO: 08 December 2022: Maareeyaha guud ee wakaladda horumarinta biyaha Puntland Maxamed Abdulkadir Maxamed ayaa safar shaqo ku tagay degaanka Kubo oo ka tirsan degmada Qardho ee gobolka karkaar.
Maareeyaha ayaa booqday war biyood ay wakaladdu ka hirgalisay degaan kubo oo dhismeheda la soo gabagabeeyay waxaana qayb ka qatay hay’adda FAO .
Wartan ayaa loo dhameystiray dhismayaasha dararka xoolaha , halka ay dadku ka dhaansan la haayeen , haan lagu kaydin doona biyaha iyo qolka waardiyaha.
Sidoo kale maareeyaha ayaa warta ku wereejiyay masuuliyiinta maamulka degmada Qardho iyo kuwa degaanka Kubo .
Wartan oo qayb ka ah dadaaalada xoogan ay waddu wakaladda horumarinta biyaha Puntland ku dooneyso in bulshada reer Puntland ay helaan biyo ku filan.
Munaasabadan kooban waxaa ka soo qayb-galay maareeyaha guud ee wakaladda horumarinta biyaha puntland ,Agaasimaha guud ee wasaradda qorsheynta puntland , gudomiye ku xigeenka degmada qardho , gudoomiyaha degaanka kubo , gudoomiyaha hay’adda kaydinta xogaha puntland , madax ka socotay hay’adda FAO iyo qaar ka mida bulshada degaanka .
= DHAMAAD =
XAFIISKA WARFAAFINTA WAKALADDA HORUMARINTA BIYAHA PUNTLAND .































