Bosaso: Wakaaladda horumarinta biyaha Puntland ayaa Degaanka Biyo kulule ku wareejisay Biyo xireenka cusub .
Munaasabada xarig jarka iyo wareejinta biyo-xireenka cusub waxaa kasoo qaybgalay Wasiirka wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland Caarshe Siciid, Maareeye Guud ee wakaaladda horumarinta biyaha Puntland Maxamed Cabdulqadir Maxamed, Gudoomiya ku xigeenka Gobolka Bari, Duqada Degamada Bosaaso iyo Bulashada Degaanka biyo kulule.
Maareeyaha ayaa la dardaarmay in bulshada degaanka ay ka fa’ideystan biyo-xireenkan masuliyadna ay iska saran illaalinta iyo ka shaqeyntiisa.
Wakaladda Horumarinta Biyaha Puntland waxaa ay shaqooyin kala duwan ka wada gobolada dalka waxayna dadaal ugu jirta sidii bulshada reer Puntland u heli lahayeen biyo nadif ah oo ku filin .
= DHAMAAD =
XAFIISKA WARFAAFINTA WAKALADDA HORUMARINTA BIYAHA PUNTLAND












