27.07.2020 Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Maareeyaha Guud ee Wakaalada Horumarinta Biyaha Puntland Maxamed Cabdulqaadir Maxamed oo ay waheliyaan Duqa caasimada Garoowe ,Mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiilada Dowlada Puntland iyo masuuliyiin kale ayaa gaaray deegaanka Yoombays ee Gobolka Nugaal si ay halkaas uga dhagax dhigaan Ceel-biyood cusub oo qorshuhu yahay in dhawaan deegaanka laga qodo.
Wafdigan ayaa markii ay halkaasi gaareen waxay soo dhawayn balaaran kala kulmeen qaybaha kala duwan ee bulshada deegaankaas oo ay ka mid yihiin masuuliyiinta deegaanka, Ururada haweenka iyo dhalinyaro qaybaheeda kala duwan.
Intaasi ka dib wafdigan ayaa tegay meesha ceelka cusub ee riiga ah laga qodi doono, ceelkaas oo ay maalgelisay hay’adda Islamic Relief, iyadoo si wadajir ah u dhagax dhigeen ceelka Maareeyaha Guud ee Wakaalada Horumarinta Biyaha Puntland iyo masuuliyiintii kale ee Xildhibaanada iyo Duqa Degmadda Garoowe.
Maxamed Cabdulqaadir Maareeyaha Guud ee Wakaalada Horumarinta Biyaha Puntland ayaa sheegay in ka wakaalad ahaan ay ka go’an tahay inay biyaha gaarsiiyaan dhammaan dadweynaha Reer Puntland, gaar ahaan meelaha laamiga ka baxsan si loo hormariyo nolosha dadka iyo duunyada ba.
Maareeyaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Puntland ee uu, hogaamiyo Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni ay ka go’antahay in adeegyada muhiimka u ah bulshada sida biyaha ay wada gaaraan dhammaan dadweynaha Puntland, isagoo sidoo kalena uga uu mahadceliyey Madaxweynaha taageerada uu marwalba la garab taaganyahay Wakaaladda si ay waajibaadkeeda shaqo u gudato.
Dhammaad.
#Xafiiska Warfaafinta ee Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland














