Iskushuban :11 janaury 2023: waxaa safar shaqo ku soo garay Degaanka Yidin Yoobin ee Degmada Iskushuban injineerka guud ee wakaladda horumarinta biyaha Puntland iyo wafti uu hogaaminayo .
Ujeedka safarka ayaa ahaa u guur galidda xaladda guud ee Yidin Yoobin oo dhowaan ka da’een raxmadii eebe waxaana biyo galeen warta cusub ee laga hirgaliyay degaanka .
Munasibad kooban oo ka dhacday halka uu ku yaalo warta degaanka waxaana ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Iskushuban , Injineer Haashim iyo Odayaasha degaanka waxa ayna bulshada iyo reer miyiga ugu baaqen in ay ka fa’ideystaan biyaha warta , sidoo kale waxaa tababar loo qabtay gudida warta haya sida ay u maarayn lahaayen .
Warta ayaa loo dhameystiray qalabayn iyo dhismayaasha dararka xoolaha ay ka cabaan , halka ay dadku ka dhansadan , qolka waardiyaha , solar iyo matoor .
= DHAMAAD =
XAFIISKA WARFAAFINTA WAKALADDA HORUMARINTA BIYAHA PUNTLAND




















