Ceelka cusub ee Degaanka Dharkay-geenyo ee Gobolka Sool ayaa loo dhameystiray dhamaan agabka ceelka uu ku shaqaynlaha.
Si loo daboolo baahiyaha ka jira dhanka qalabka ee ceelka degaan Dharkayn-geenyo waxa loo dhameystiray haan qaadeysa 250 fuusto , darka xoolaha ay ka cabaan ,halka ay ka dhaansan doonan dadka , matoor ,pamp , qolka waar diyaha iyo qolka matoorka .
Ceelkan oo baahi weyn u qabeen bulshada degaanka iyo dagsiimooyinka ka ag dhow ayaa la filaaya in ay uga fa’ideystan cabista iyo waraabka meesiyada xoolaha . bulshada ayaa ku tiirsana ceelasha biyaha ee xilli roobadyada .
Wakaladda Horumarinta Biyaha Puntland waxa ay ku hawlan tahay sidii Degaanada Puntland u heli lahaayeen Biyo ku filan waxa ay Waladdu shaqooyin kala duwan ka wada Gobolada Puntland waxa ayna u kala hormarineysaa baahiyaha biyo ee ka jira ee degaanada iyo gobolaa .
= DHAMAAD =
XAFIISKA WARFAAFINTA WAKALADDA HORUMARINTA BIYAHA PUNTLAND .






