Buursaalax: 2023: Maareeye ku xigeenka wakaaladda horumarinta biyaha Puntland Bashiir Macallin DAAHIR oo ay weheliyaan agaasimaha guud ee Wasaaradda Degaanka, Daaqa iyo Isbadalka cimilada Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor, bulshada degaanka buursaalax iyo maasuliyiin ka socday Wasaradda Qorsheynta puntland ayaa ka qayb galay munaasabadda xarig jarka iyo wareejinta Ceelka cusub iyo haanta kaydka ah oo ay yeelan donto Degaanka Buursaalax .

Maareeyaha ayaa ku wareejiyay bulashada degaanka Buursaalax dhismaha iyo qalabaynta ceelka cusub oo ay wakaaladdu u dhamaystirtay dhamaan agabki ceelka sida Haan, Soolar , Dararka xoolaha, qolka Waardiyaha, qolka Matoorka iyo halka ay dadku kacabi lahayeen sidookale waxa ay wakaaladdu magaaladda ka dhistay haan qaada illaa 500 fuusto.

Maareeyaha ayaa ku la dardaarmay in bulshada degaanka ay ka fa’ideystan masuliyadna ay iska saran illaalinta iyo ka shaqeyndeeda .

Wakaladda Horumarinta Biyaha Puntland waxaa ay shaqooyin kala duwan ka wada gobolada dalka waxayna dadaal ugu jirta sidii bulshada reer Puntland u heli lahayeen biyo nadif ah oo ku filin .

= DHAMAAD =

XAFIISKA WARFAAFINTA WAKALADDA HORUMARINTA BIYAHA PUNTLAND