Maareeye ku xigeenka wakaladda horumarinta biyaha Puntland ayaa bulshada xidda ku wareejiyay war biyood .
Waciye :21 january 2023: Maareeye ku xigeenka wakaladda horumarinta biyaha Puntland Bashiir Macallin DAAHIR oo ay weheliyaan gudoomiyaha degmada Waciye , gudoomiyah degaanka Xidda iyo maasuliyiin kala socday Wasaradda Degaanka , Wasaradda Qorsheynta punland .
Maareeye ku xigeenka wakaladda horumarinta biyaha Puntland Bashiir Macallin Daahir ayaa war biyoodka cusub ee degaanka xidda oo dhowaan ka hirgalisay ku wareejiyay furaha warta gudoomiyaha degmada Waaciye , war biyoodkan ayaa leh dhammaan adeegyadii muhiimka ah barbiyood sida Haan, Darar, Soolar (Habka ka faa’iidaysiga cadceeda qorraxda), Matoor iyo qolalka Waardiyaha iyo Matoorka.
Maareeyaha ayaa la dardaarmay in bulshada degaanka ay ka fa’ideystan warta masuliyadna ay iska saran illaalinta iyo ka shaqeyndeeda .
Wakaladda Horumarinta Biyaha Puntland waxaa ay dadaal ugu jirta sidii bulshada reer Puntland u heli lahayeen biyo nadif ah oo ku filin .
= DHAMAAD =
XAFIISKA WARFAAFINTA WAKALADDA HORUMARINTA BIYAHA PUNTLAND


























