Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland ayaa tababar u qabatay gudiga biyaha degaanka Carmooyin ee gobolka Karkaar .

Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland ayaa tababar u qabatay gudiga biyaha degaanka Carmooyin ee gobolka Karkaar .

Tababarka oo ahaa laba qaybood ayaa oo kala ah wacyigelinta bulshada iyo sidii ay ugu fa’ideysan lahayeen biyaha warta kan kale ayaa la siiyay dadka ku shaqa leh ilaalinta iyo daryeelka war biyoodka oo dhowaan ay hirgelisay Wakaladda Horumarinta Biyaha Puntland waxaana la baray sidii ay u isticmaali lahaayen solorka iyo matoorka iyo habka looga saaro ciladaha fudud .

Tababarkan ayaa bixinaayay Yusuf Ali Yusuf oo ahaa bixiyaha casharada wacyigelinta bulshada degaanka iyo Abdiqadir Cunaaye oo casharo kala duwan siiyay warhayaasha .

Sidoo kale tababarka ayaa socon doono iyada oo la siin doono shaqaalaha ku xilleh ilaalinta iyo daryeelka ceelayasha , Biyo xireenada , war biyoodada wakaladdu waxa ay shaqooyin kala duwan ka haysaa ee gobolada Puntland .

= DHAMAAD =

XAFIISKA WARFAAFINTA WAKAALADDA HORUMARINTA BIYAHA PUNTLAND .