Maareeyaha Guud ee wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland Maxamed Cabdulqaadir Maxamed oo ay waheliyaan madax ka socota hay,ada Save The Children iyo xildhibaan Ahmed Daad oo ka tirsan mudanayaasha Golaha wakiilada Dawlada Puntland Ayaa gaaray tuulada Camaan Ee Gobolka Bari.
Maareeyaha Ayaa halkaas ka daah furay ceel Biyood Riig Ah oo ay ka cabi doonaan Dadka iyo duunyaduba kaas oo ay yeelan doonaan bulshada deegaanka Caamaan.
Mareeyaha yaa Dhanka kale qiimayn ku sameeyay Biyaha Ceelkan matoorka Ceelka, solar cadeeda ku shaqeeya oo isla goobta ku rakiban iyo guud ahaa qalabka Ka Dhiman Ceelkan ee uu u baahan yahay , Waxaana qorshu yahay in shaqaalaha ilaalin doona ceelkan iyo Kor joogtayn taba ay yeelan doonto wakaalada horumarinta biyaha Puntland.
Maareeyaha oo munaasibada xarig jarka ka hadlay ayaa yiri;
Farxad wayn bay noo tahay inaan dhamaanteen goob jog ahaano daah furka ceelkii cusbaa ee deegaanka camaan waxaa sido kale farxad noo ah in biyaha ceelkan laga helay ay yihiin biyahii ugu tayada fiicnaa ,waxaan u mahadcelinyaa hay,ada save the children oo dadaal dheer ku bixisay sidii ceelkan bulshada reer camaan u heli lahaayeen,
Dawlada Puntland oo uu hogaamiyo madaxweyne siciid cabdulaahi dani waxaa ka go,an in bulshadu ay helaan biyo nadiif ah oo ku filan ayna iibsan karaan anagoo arintaa ka duulaynana waxaan xoog saari doonaan Sidiii bulshada ka fog laamiga aan u gaarsiin lahayn Adeeyada dawlada Ee Naloo igmaday









