Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland ayaa matoor cusub Gaysay ceelka Biyaha Deegaanka Ximxoor oo hoosyimada Degmada Galkacyo ee G.Mudug, kaas oo u horay uga xamaday matoorkii horay ceelka u yaalay.
Wakaaladda horumarinta biyaha Puntland waxay u taagantahay inay marwalba dayactirto dhamaan ceelasha ku yaala Puntland kana shaqayso sidii shacabka Puntland ay u helilahayeen biyo ku filan tayo ahaana wanaagsan.




