Mareeyaha Guud ee wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland Maxamed Cabduqadir Maxamed ayaa kala wareegaay warshadda biyo macaaninta ceel-daahir madax ka socotay Hay’addaha Kaalo iyo Oxfam mareeyaha ayaa isla goobta ku sii wareejiyay warshadda Duqada Degmada Carmo Gobolka Bari.
Warshaddan ayaa ka caawindoonta bulashada in ay helaan biyo tayadoodu sarayso waxa ayna ka maarmi doonan isticmaalka biyaha kala dawanaa.
Bulshada ayaa uga mahadcelisay dhamaan inta ka soo shaqaysay inay helaan warshaddan biyo macaaninta oo uu ugu horeeyo Madaxwaynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, wakaaladda iyo Hay’addaha Kaalo iyo Oxfam.
Ugu damayntiina Maareeyaha Wakaaladda ayaa bulshada kula dar daarmay in warshadda aad looga taxadaro xanaanaynteeda bulashadana biyo ku filan la gaarsiiyo.
Manaasabada waxaa goobjoog ahaa Isuduwaha WHBP Gobolka Bari, Gudoomiyaha Deegaanka Ceel-daahir iyo bulshada deegaanka.
= DHAMAAD =
XAFIISKA WARFAAFINTA WAKALADDA HORUMARINTA BIYAHA PUNTLAND .












