Munaasabadda Xarig Jarka Ceelka cusub ee Deegaanka Dalwayn Gobolka Karkaar.

Mareeyaha Guud ee wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland Maxamed Cabduqadir Maxamed ayaa kala wareegaay ceelka cusub ee deegaanka Dalwayn madax ka socotay Hay’addaha Kaalo iyo Oxfam mareeyaha ayaa isla goobta ku sii wareejiyay Ceelka Duqada Degmada Waaciye Gobolka karkaar.
Ceelkan ayaa waxa uu daboolidoona biyo la aantii ka jirtay deegaanka waxa ayna bulashadu uga mahadcelisay dhamaan inta ka soo shaqaysay inay helaan ceelkan oo uu ugu horeeyo Madaxwaynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, wakaaladda iyo Hay’addaha Kaalo, Oxfam.
Ugu damayntiina Maareeyaha Wakaaladda ayaa bulshada kula dar daarmay in ay xil iska saaraan ilaalinta ceelka iyo xanaanayntiisa.
Manaasabada waxaa goobjoog ahaa xoghayaha Degmada Waciye, Isuduwaha WHBP Gobolka Karkaar iyo bulshada deegaanka.
= DHAMAAD =
XAFIISKA WARFAAFINTA WAKALADDA HORUMARINTA BIYAHA PUNTLAND