Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland ayaa Hay’adda Islamic Relief kala wareegtay ceel-biyood cusub oo ku yaal Tuulada Yoombays ee Gobolka Nugaal.
Wakaaladda iyo Hay’adduba waxay maamulka degaanka, shacabka iyo guddiga ceelka oo horay loo sii tababaray kula dardaarmeen in ay ceelka u ilaaliyaan sida ugu fiican.
Shacabka degaanka Yoombays ayaa dhankooda aad uga mahadceliyey Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntlnad iyo Hay’adda Islamic Relief sida ay ugu dadaaleen in degaanku helo biyo nadiif ah oo la cabbi karo (Potable water) oo waafaqsan halbeegga caalamiga ah ee WHO.
















